samedi 22 février 2014


"Ciidanka Asluubtu Waa Hal-bowlaha Garsoorka dalka" (SAWIRRO)
Sabti, Feberaayo 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka qayb -galay maanta munaasabadda 44-aad ee kasoo wareeegatay maalintii la aas-aasay ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtay xarunta taliska ciidamadda Asluubta ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa, Faarax Shiikh C/qaadir oo ah wasiirka dastuurka iyo cadaaladda, C/llaahi Goodax wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, taliyayaasha ciidamada Asluubta, nabad-sugidda iyo xoogga dalka.
Wasiirka cadaaladda iyo dastuurka Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ugu horreyntii hambalyo u diray dhammaan saraakiisha, saraakiil xigeennada, askarta ciidanka Asluubta iyo qoysaskooda.
"Ciidamada Asluubta waa kuwa dhaqan-celinta u sameeya maxaabiista, waxayna ka hortagaan dhaqamada xun-xun, dhawaanna howlahooda aad ayay u soo muuqan doonaan," ayuu yiri Faarax Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore u hambalyeeyay dhammaan ciidamada Asluubta iyo Qoysaskooda. "Hambalyo ayaan leeyahay dhammaan taliyayaasha, ciidamadda, carruurtooda iyo xaasaskooda, maanta waxay ka mid tahay maalmaha aadka noogu weyn. Dowladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa dib-u-habeynta garsoorka oo muhiim u ah caddaaladda, sinnaanta iyo xaquuqul insaanka. Maxaabiistana waxaan ku dadaaleynaa inay helaan tasiilaadkii muhiimka u ahaa, si ay u noqdaan kuwa ka waantooba dambiyada isla markaana ka faa’iiseysta fursadda dhaqan-celitna ee dowladdu u fidineyso."
Madaxweynaha ayaa mar kale yiri: "Dhiiranaan dheeri ah ayay i gelineysaa inaan maanta arko ciidamada Asluubta oo sannad-guuradooda u dabaal dagaya, waxaa la idin kaga baahan yahay waajibkii caadiga ahaa ee idin sarnaa iyo kuwa dheeri ah oo ay keeneen daruufaha dalka ku jira ee uu amnigu ugu horreeyo, ciidamadda Asluubta waa hal-bowlaha garsoorka.”
Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia oo hadalo dhiiro-gelin ah u jeediyay ciidamadda isagoo yiri: "Waxaan dareemayaa isku-day ka tarjumaya ballan-teenii ahayd marka hore wixii aan qabsan karno aan qabsano kaddibna wixii aan kari weyno aan dalbanno, Soomaaliya waxaa leh Soomaalida oo waxaa nalaga sugayaa inaan daruufahan adag dalka ka saarno innagoo wadajirna.”
Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa la aasaasay sannadkii 1970-kii waana kuwa ilaaliya xabsiyad, sidoo kalena maamula xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta iyo xarumaha lagu hayo maxaabiista dagaallada lagu qabto.